Shabakad Hubka Gaarsiisa Jabhada Xuutiyiinta Oo Soomaali Ay Ku Jiraan Oo Laga Digay

Somalia news

Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo ka tirsan Sirdoonada Reer galbeedka, oo muddo dhee rdaba gal ku hayay, kooxaha ka ganacsada fududeynta Hubka iyo saanada Xuutiyiinta ka dagaalma dalka Yemen, iyadoo la sheegya in hubkaasi uu ka yimaado Dalka Iran, iyagoo adeegsanaaya Saldhigyo KMG ah oo ku yaal Somalia…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in qiraalo ay bixiyeen maxaabiis Xutiyiin ah ayeey ku sheegen, in iyadoo laga faa’iideysanaayo Dhibaatada dhaqaale ee Kaluumeystada kwaasoo isu rogay Muqalisiin hub, waxeyna u kala daabulaan Hubka loo wado dalka Yemen, Waxaana la sheegay in farasmooyinka qaarkood lagu sheegay in Kaluumeysatdaan oo Soomali u badan ayaa tababaro Samafal lagu soo siiya dalka Iran, iyagoo dib loogu soo celiyo dalka Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Hubkaan oo ka soo baxa dalka Iran uu soo maro dalka Cumaan, kadibna uu transit ku noqdo magaalada Berbera, halkaasoo uu kaga sii gudbo dekadaha dalka Yemen, waxaana laga digay in marinkaasi uu noqdo mid dhiiri geliya Kaluumeystada Somalia iney isu bedelaan Muqalisiin ka macaasha Hubka.

64230cookie-checkShabakad Hubka Gaarsiisa Jabhada Xuutiyiinta Oo Soomaali Ay Ku Jiraan Oo Laga Digay