Halkey Marayaan Wada-Xaajoodka Xalka Loogu Raadinaayo Khilaafka Doorashada

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si hoose u socday wada xaajood ay lahaayeen Maamulada taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Hogaanka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kaasoo salka ku haya xal u helida is-mariwaaga ka taagan Doorashada 2020-21…

Xogtaan ayaa si hoose ugu sheegtay Agaasinka Warsidaha Diinah.com news in aan weli laga gudbin caqabadaha ku gedaaman u dareerida Doorashada dadban, iyadoo wada hadalkaan oo ku dhacay qaabka muuqaal araga fog iyo xiriir talefonada, waxaana garwadeen ka ah Wakiilka UN-ka Ee Somalia, iyadoo Maamulka Villa Somalia uu ku soo koobmay in lagu wargeliyo hadba Heerka uu maraayo natiijada wada xaajoodka.

Wararka ayaa sheegay in mabad ahaan ay dhinacyadaan ay isla meel dhigeen, in Doorashooyinka ay ku qabsoomaan hanaanxor iyo xaal lana xaliyo Khilaafka taagan, Hadaba, weli lagama gudbin caqabadaha oo ay ugu horeyso Ciidamada Dowladda Federaalka ay geysay Gobolka Gedo, iyadoo si awood sheegasho ay uga qabsatay Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ee Degmooyinka Gobolka Gedo.

Waxaa weli laga gaarin Guddiyada Doorashada xubnihii la duray dhexdhexaadnimadooda iyo in Afhayeenka Aqalka Sare loo Madax-baneeyo inuu soo xulo Xikdhibaanada Waqooyiga.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Hogaanka Mucaaradka ay Wakiilka UN-ka Ee Somalia u gudbiyeen Liiska xubnaha ay dhexdhexaadnimadooda dureen, balse nasiib darro ilaa haatan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo wax jawaab ah lagama hayo.

Dhanka kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku wargeliyay Maamulka Farmaajo iyo Maamulada taageersan ineysan sharciyad ka heli doonin dhankooda hadii lagu Dhaqaaqo doorasho dhinac kaliyah ah, talaabadaan ayaa soo baxay kadib markii Villa Somalia ay culeys ku Saartay Maamulada taageersan iney Degaanadooda ka qabtaan Doorashada.

Dadaalada an si Gaabiska ah u socda ayaa sare u qaadaaya walaaca laga qabo in 8-da February oo ah dhamaadka muddo xileedka Mr.Farmaajo lagu gaaro Heshiis La’aan iyo in Dalka Uu cagaha la galo qalalaase siyaasadeed iyo amniga oo faraha ka baxa.

89020cookie-checkHalkey Marayaan Wada-Xaajoodka Xalka Loogu Raadinaayo Khilaafka Doorashada