Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Somalia oo intooda badan shaac ka qaadeen kuna tartankooda muddo hore, ayaa haddana Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha, Dad badan ayaa rumaysan in Mr.Deni uu ku jiray ololo doorasho qarsoon si uu u diyaarsado xubnaha Baarlamaanka ee codka siiya…
Inkastoo ay jireen male iyo tuhun la xiriira musharaxnimada Saciid Deni, ayaa waxaa arrintaas barbar socotay in dadka degan Magaalooyinka Hargeysa & Muqdisho ee Somalia ay walaac weyn iyo diidmo ka muujiyeen musharaxnimada Mr.Deni, iyagoo ku sababeeyay sidii uu u maareeyay Dagaalkii magaalada Boosaaso.
Mr.Dani ayaa la sheegay in daaha gadaashiisa ka riixaayo Musharaxnimada Ms. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samater, oo ku dhawaaqday inay tahay Musharrax Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Somalia, kana soo jeeda Degaanada Puntland.
Diidmadaan ayaa kala dhantaali karta Hamiga Madaxweynenimo ee Mr.Dani, iyadoo jiraan sababo macquul ah oo muujinaya walaaca ay dadkaasi ka qabaan Saciid Deni, Shacabkka Muqdisho, siyaasiyiin iyo madax dhaqan kana tirsan ayaa qaarkood dadkooda ugu baaqay inaan la aqbalin Musharaxnimada Mr.Deni iyagoo ku sababeeyay dhaliishooda Hanaanka uu u maareeyay Dhibaatadii ka dhacday magaalada Boosaaso.
Saansaanta muuqda, haddii ay dhacdo in Madaxweyne aan Beesha Hawiye ahayn uu bedelo Farmaajaha fashilmay, ama uu Farmaajaba isku dayo inuu Kursiga Villa Somalia ku soo noqdo, waxaa suurtogal in Shacbiga Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ay hubka qaataan oo u diidaan inuu xilka la wareego.