SOMA-OIL Oo Loo Bixiyay COASTLINE EXPLORATION

Somalia news

Shirkadda Soma Oil, oo saami uu ku leeyahay Mr.Xasan Cali Kheyre, isla markaasna kaalin horseed ah ku leh sahaminta shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya, ayaa magaceedii hore laga bedelay….

Shirkadaan, hadda Loo bixiyay Coastline Exploration uuna guddoomiye u ahaa Guddoomiyihii hore ee xisbiga Muxaafidka Biritayn Micheal Howard, waxay sanadklii 2013-kii heshiis la saxiixatay Dowladda Federaalka. Heshiiskaasi wuxuu keenay in sahamin lagu sameeyo xeebaha Somalia ee Badweynta Hindiya iyo in Barlamaanka Soomaaliya dejiyo xeer shidaal oo sal u noqon doona qaybsiga hantida ka soo bixi karta xaraashka ceelasha shidaal, haddii guul laga gaaro sahaminta.

Bogga shirkadda Coastline Exploration ku leedahay Internetka muu bixinayo faahfaahin ku saabsan madaxa iyo guddiga maamulka shirkadda. “Waannu ognahay in hawlaheennu saamayn ku yeelan karaan beelaha aannu ka dhex shaqayno. Waxaannu ku dadaalaynaa inaannu yarayno saamaynta deegaameed, waxaan u duubanaynaa la dagaallanka saamaynta bulshadeed oo ba’an  sida ku xadgudubka xuquuqda aadanaha” bay shirkaddu ku qortay boggeeda.

Waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay Soma Oil inay wax isdabamarin samaysay. Xafiiska Wax-isdabamarinta Ba’an (Serious Fraud Office) ee UK ayaa baaritaan ku sameeyay shirkadda, ilaa haatan lama oga Natiijada Baarista.

47990cookie-checkSOMA-OIL Oo Loo Bixiyay COASTLINE EXPLORATION