Maxaa Kulmiyay Dilka Xildhibaanad Aamino & Guuldarrada Villa Somalia

Somalia news

Allaah ha u naxriisto Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo caawa u geeriyootay qarax lagula eegtay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan…

Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in Marxuumad Ex.Xildhibaan Aamina iyo Ciidamo ilaalo u ah oo la socday uu isku qarxiyay qof naftiis halige ah oo isku soo xiray Walxaha Qarxa, kadibna Isgaarsiinta iyo Korontada magaalada Baledweyne ayaa dhammantood shaqeyneen, Xilli weeraro is xig xiga ay ka dhaceen magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dad Xog-ogaal ah oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in halmar uu is badalay jawigii xarruunta Lama Galaay ee loo madalsanaa in ay ka dhacdo doorashada kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka, hadaba maxaa kulmiyay dilka Marxuumada & Guuldarrada Farmaajo & Fahad, mase lagu xisaabin doonaa gabood falada ay geysteen 5-tii sano ee u dambeeysay.

177170cookie-checkMaxaa Kulmiyay Dilka Xildhibaanad Aamino & Guuldarrada Villa Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com