Xubno Shababka ka soo Goostay oo iska Dhiibay Magaalada Baydhabo..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ayaa Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay 10 xubnood oo  ka tirsanaa kooxda argagixisada Shabaabka, kuwaasoo ka soo goostay…

Wararka ayaa sheegay in Xubnahaan isa soo dhiibay ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha ay ku sheegaan, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneyd ee hal mar iska soo dhiibta kooxda, iyadoo dhawaanahaanba ay aad usii kordhayeen dagaal yahanada iyo horjoogeyaasha ka soo baxaya garabka Shabaabka.

Qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ka sheekeeyay sababaha ay isaga soo bexeen kooxda, iyagoo saaxiibadooda kalena ugu yeeray iney isaga soo tagaan Shabaab, Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Shabaab ka soo goostay, waxaana ay sheegeen in ay ka faaideysanayaan Cafiska Maamulka.

259290cookie-checkXubno Shababka ka soo Goostay oo iska Dhiibay Magaalada Baydhabo..