Shakiga Ku Xeeran Safarka Farmaajo Ee Nairobi..

Politics

Waxaa soo shaac baxaaya shaki iyo mad-madow ku xeeran safarka uu qorsheystay inuu ku taga Magaalada Nairobi, Mr.Farmaajo kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulkiisa ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowlad goboleedka Jubbaland kuwaasoo farsiin ku lahaa inta u dhaxeysa Magaalada B/Xaawo iyo Magaalada Mandheera ee Kenya..

Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ee daaha gadaashiisa ay ka riixayaan Danjiraha USA ee Muqdisho iyo Mr.Abiy Madaxa Ethiopia, ayeey ku guuleysteen in xiriir wada hadal oo bilow ah yeeshaan, iyadoo uu Mr.Farmaajo uu xiriir Isgaarsiineed la yeeshay Mr.Uhuuru.

Shakiga iyo Tanaasulka Degdeg ah:-

Wada hadalka Mr.Farmaajo iyo Uhuruu ayaa ku sii beegmay, xilli Muqdisho iyo Nairobi ay wadeen abaabulo colaadeed iyo Hub ku uruurin labada degmo ee xadka ku yaal, waxeyna isku eedeeyeen “faro gelin iyo xadgudub dhuleed”, waxeyna sababtay in su’aalo badan oo u baahan laga jawaabo.

Sida ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka, mad madowga ku gedaaman safarka laab ka kaca ku dhisan ee Mr.Farmaajo, ayaa qeyb ka ah:-

-Qaabka uu ku yimid Safarka

-Ujeedada oo aan la Caddeyn

-Iyo inuu Wada hadalka qeyb ka yahay Dacwadda Badda.

Waxaa Kulankaasi isha lagu heyn doonaa sida uu uga raali geliyo Kelmadii “Cadowga Kenya iyo Abaabulka Maleeshiyaad Beelaha dega Degmooyinka Wajir iyo Mandheera, kuwaasoo howlaha la xiriira ay marayaan heerkii ugu dambeeyay.

21120cookie-checkShakiga Ku Xeeran Safarka Farmaajo Ee Nairobi..