In ka badan 1.2 Millions Neef oo Xoolo ah ayaa Dalka laga dhoofiyay…

Somalia news

Warbixin ay Wasiirka Xannanada Xoolaha soo saartay ayeey ku faah-faahisay tirada Xoolaha sanadkaan Somalia laga qaaday si loo gowraco Ciiddul-Adxaa ayaa sheegay in dalka laga dhoofiyay in ka badan 1.2 Milyan oo Neef, iyadoo loo raray Dalalka Khaliijka..

Iyadoo Warbixintaan lagu xusay in la hubiyay caafimaadka Xoolahaan maadaama kahor inta aan la daabulin laga howlgeliyay dhaqaatiir si ay u ogaadaan caafimaadkooda sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Inta badan Xoolaha la dhoofiyay waxaa Doomo looga qaaday Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si gaar ah ula socoto.

Sanad weliba Marka la galo Bisha 12aad ee Hijriyada waxaa diyaargarow xooggan loo gala ciiddul-adxaa oo tobanka bishaas ku beegan, Dadka awoodo ayaa gowraca Xoolo inta awooddooda ah, halka waddamada khaliijka doomo & Maraakiib loogu raro.

262230cookie-checkIn ka badan 1.2 Millions Neef oo Xoolo ah ayaa Dalka laga dhoofiyay…