Shaqaale Laga Helay Cudurka Covid-19

Health

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya Saddex ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa laga helay cudurka Coronavirus sida uu sheegay Madaxa shirkadda Tewelde Gebremariam….

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirkadda Ethiopia Airlines ay tahay shirkadda kaliya ee xilligaan duulimaadyada ku sameysa gudaha Somalia gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyadoo fasax ka haysata Maamulka Villa Somalia.

Wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha cudurka laga helay ay ku jiraan daryeel caafimaad laguna karantiilay goob u gaar ah shaqaalahooda oo ay u diyaarisay wasaaradda Caafimaadka Ethiopia.

Dhinaca kale, shirkadda Ethiopian Airlines ayaa shaacisay in saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus ay sababtay in shirkadu khasaarto lacag dhan 550 milyan oo dollar.

Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay xilligan, shirkaddu inay hakisay duullimaadyadii ganacsiga ilaa boqolkiiba 90, taasoo macnaheedu yahay inay duuleyso 10 boqolkiiba oo keliya goobaheedii caalamiga ahaa.

26860cookie-checkShaqaale Laga Helay Cudurka Covid-19