Shaki & Digiino Laga Soo Saaray Nidaamka Degaan Doorashada Puntland

Somalia news

Warar hordhaca ah ee laga helaayo degaanada Puntland ayaa muujinaaya in isbedelada uu wado Maamulka Saciid Dani ayaa u muuqda kuwo gaabis ah isla markaasna la-tashi badan uusan ka gelin Saamileyada degaanka, waxaana laga digay in Qorshahaan inuu dhaawacyo u geysto Nidaamka Maamul ee jilicsan haddana shaqeeya…

Kooxaha Naqdiya Maamulka Puntland ayaa ka digay in dib u dhaca ku yimid Doorashada degaanka ee Sabtidii in laga qabto la rabay Larikh oo ka tirsan Degmada Eyl ay marqaati u tahay in Maamulka Mr.Dani uu doonaayo in dib u dhiga si uu uga faa’iideysto in Xisbigiisa Doorashada ugu shubto.

Dowlada Federaalka iyo Daneeyayaasha Caalamiga ah ee Maalgeliya Doorashada ayaa ka digay in Maamulku uu wajihi doono Go’doon siyaasadeed hadii aan la qaban sida qorshuhu ahaa Doorashada degaanka lagana wada qeyb geliyo dhamaan qeybaha kala duwan gaar ahaan Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

Puntland ayaa ka dhisan 9-Xisbi siyaasadeed, tiro badan ururada Bulshada Rayidka ah iyo qeybo kale, waxaana marqaati ma doonta ah in ka qeyb galkoodu uu hooseeyo ama aan latashi laga gelin Nidaamka Doorashada degaanka, waxaana lagu eedeeyay Xisbiga Saciid Dani inuu isku koobay Maamulka doorashada, iyadoo laga cabsi qabo inuu maro Wadadii fashilka ee Farmaajo.

215530cookie-checkShaki & Digiino Laga Soo Saaray Nidaamka Degaan Doorashada Puntland