Shaqaaqo Ka Dhacday Degmada Jowhar

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degmada Jowhar ayaa sheegaya Is-rasaaseyn xoogan oo u dhaxeeya Ilaalada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle iyo Dabley degaanka ka soo jeeda, wuxuuna Dagaalka ku fiday xaafado kamid ah magaalada, iyadoo la soo werinaayo inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah…

Shaqaaqadaan ayaa u dhaxeeyo Ciidamada dowladda ee taageera maamulka HirShabeelle iyo Maleeshiyaad Macawisleey ah oo todobaad ka hor taliyahooda la xiray, wuxuuna ka dhacay bar-kontrol oo Galbeedka Magaalada ku taal, iyadoo gaari u lahaa Cali Guudlaawe lagu dhuftay qoriga Sebenka (Basuuka), waxaana ku geeriyooday Madaxa Hab-maamuuska Madaxtooyada Hir-Shabelle kaasoo magaciisa lagu sheegay Marxuum Cali Axmed Godaad ( Madoobe).

Ilo wareedyo ku sugan Jowhar ayaa sheegay in xarigga Madaxa Xoogaga Hubeysan ee Macawisleyda uu amray Cali Guudlaawe kadib isbaaro ay kooxda macawisleyda dhigteen oo saameysay kuwa kale oo lacag ka qaato maamulka.

119600cookie-checkShaqaaqo Ka Dhacday Degmada Jowhar