Ma Dhabaa In Kulankii Khilaafka Doorashada Uu Dib Dhacay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.con news in Kulankii berito loo balansan yahay in lagu qabto Teendhada Afisioni loogana hadlaayay Xalinta Khilaafka Doorashada dadban ee Somalia ayaa lagu wadaa inuu dib u dhaco muddo Maalmo ah…

Wararka ayaa sheegaya Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow Saraakiisha qabanqaabiyay ayaa sheegay iney dhici karta dib u dhaco maalmo kooban ah, iyadoo lagu waday inuu furmo Shirka Doorashada ee 20-ka Bisha loo balansan yahay, waxaa lagu wadaa inuu furmo 23-ka bishaan (May), kadib markii caqabado iyo turunturooyin joogto ah ay dhigeen Saraakiisha Villa Somalia iyo Hogaanka Hey’adda NISA.

Xogta ayaa sidoo kale tilmaamtay in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay cidda Fureysa Shirka iyadoo Mr.Rooble uu hoggaaminta yeelan doono, halka warar kalena ay sheegayaan in Farmaajo shirka hoggaamin doono, islamarkaana uu Rooble noqon doono dhex-dhexaadiyaha Farmaajo iyo madax goboleedyada. 

119630cookie-checkMa Dhabaa In Kulankii Khilaafka Doorashada Uu Dib Dhacay