Maxaa Keenay In Ciidamada Dowladda Dib u uga soo Gurtaan Aagaga Dagaalka ee Degaanada Galmudug..

Somalia news

Maalimihii ugu dambeeyay waxaa degaanada Caad, Camaara iyo Degaanka Bacaad weyn dib uga soo guranaayay Ciidamada Dowlada Federaalka kuwa Galmudug iyo Maleeshiyaadka Beelaha, sababo badan oo is biirsaday, iyagoo Difaac ka galay Degaanka Wisil ee Gobolka Mudug..

Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Degaanka ay hadda ku sugan yihiin Degaanka Laasa-gacamey oo u dhow Bacaadweyne halkaasoo ay Farsiin ciidan ka samaysteen, iyadoo Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiil iyo Odayaal dhaqaale ka soo qaatay Horgolada Shababka ay Fashilinta Dagaalka ay ka dambeeyaan.

Ku darsoo Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo muddo Safaro Dalxiis Dalka Dibadiisa ugu maqnaa ayaa Maankiisa ka tiray Dagaalkii uu abaabulkiisa ka bilaabay Degaanada Galmudug Dayacana Ciidamadii uu degaanafaadi ku daabulay, halka Madaxweynaha Galmudug ayaa muddo ku sugan magaalada Nairobi, isagoo la sheegay inuu ka wado Kulamo uu la leeyahay Taageerayaasha Kooxdii Farmaajo ee N&N iyo Abaabulka dib u doorashada, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Gadoodka Ciidamada, ka bixintaanka Furumaha dagaalka, Amusnaanta Xasan Gurguurte & Dalxiiska Mr.Qorqor iney isku xiran yihiin.

Hadii Horgalaha Hey’adda NISA ee Kooxda Demu jadiid oo Kaalintiisii Abaabulka Galmudug ka gabay ayaa haatan isu rogay Imam Masaajid ee Wadooyinka Mogadishu igu sawir u tagay, Mashruuca Fashilinta Dagaalka Degaanada Galmudug yaa soo qaatay!!?

314060cookie-checkMaxaa Keenay In Ciidamada Dowladda Dib u uga soo Gurtaan Aagaga Dagaalka ee Degaanada Galmudug..