Share the post "Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Agaasimihii Kaluumeysiga Maamulka Puntland & Sababta.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Wasiirka Kaluumeysiga ee Maamulka Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradaasi Mr.Sharmaarke Yaasiin Cali, iyadoo lagu eedeeyay Maamul xumo iyo Wada shaqeyn la’aan…
Qoraal uu soo saaray Wasiirka ku sheegay “Waxaan halkan ku wargelinayaa in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 28 December, 2024 lagaa joojiyey (Ag. Sharmaarke Yasin Ali), shaqadii aad u haysey Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland” ayuu Wasiir Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ku cadeeyay wareegto uu soo saaray.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa u magacaabay Ku simaha Agaasimaha Guud, Mohamed Siciid (Black) ee hadda ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga.