Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo ka qeyb galay Shir looga Hadlaayay Khilaafyada Dhuleed

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay khilaafaadka dhulka ee Dalalka Geeska iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda…

Wararka ayaa sheegay in Shirkaan oo soconayay muddo 3 maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay sidoo kale madax ka kala yimid dalalka geeska Afrika ee ku midaysan urur goboleedka IGAD iyo khubaro ka socday dalalka caalamka, waxaa kaloo ka qeyb galay wafuud kala duwan iyo khubaro xariir la leh arrimaha dhulka ee dalalka geeska Afrika.

Waxaana shirka looga dooday sida Hay’adda Garsoorka uga qayb qaadan karaan xalinta khilaafka dhuleed ee ka dhaxeeya dalalka geeska Afrika, Dhamaan madaxdii kasoo qayb gashay ayaa tilmaamay in shirkan muhiim u yahay dalalka bariga iyo geeska afrika maadaama intooda badan uu jiro khilaaf dhuleed oo ka dhaxeeya laguna xaliyo si nabadeed.

221120cookie-checkGudoomiyaha Maxkamada Sare Oo ka qeyb galay Shir looga Hadlaayay Khilaafyada Dhuleed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com