Sheekh Soomow Oo ka Digay In Dalka Dagaal Loo Horseedo

Somalia news

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa qeylo Dhaan ka keenay Hab-dhaqanka hoose Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo Uu ku Eedeeyay Inuu dhegaha ka Fureystay Baaqyada Nabadeed ee loo jeedinaayo….

Sheekh Soomow ayaa sheegay in Guddi Culumo ah oo la kulmay Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay, iyagoo ugu baaqay iney Xal nabadeed ku raadiyaan Maamulada ka maqan Guddiyadooda, isla markaasna Doorashada lagu galo heshiis wada oggol ah.

https://fb.watch/2Bi-PoYONc/

Sheekh Soomow ayaa Cod dheer ku sheegay in Shacbiga Magaalada Muqdishu ay halis ugu jiraan laba Xabadood, isagoo ka digay in Dadka rayidka ah dushooda lagu dagaalamo, wuxuuna cod dheer ugu baaqay in loo istaago sidii loo badbaadin lahaa Dalka.

81490cookie-checkSheekh Soomow Oo ka Digay In Dalka Dagaal Loo Horseedo