Shirkadihii Forex Iyo Dhaqaalihii La Lunsaday Yaa Ka Mas’uul Ah

Somalia news

Muddo 2-3 sano gudahood ayaa waxaa caasimada iyo Gobolada qaarkood ka abuurmay si laab la kac ah Shirkaddo Forex ah oo Shacbiga dhaqaale badan ka dhacay, iyadoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo (Bangiga dhexe) uu ugu yaraan ka gaabiyay inuu ka badbaadiyo Burcadaan Dhalinyarada u badan oo Dhaqaalaha Lunsaday…

Waxaa xiligaan hawada ka baxay Shirkadihii Forex Ee Shacbiga ka lunsaday Dhaqaalaha (Boqolaal-millions US $), Dhaqaalahaan oo ay qabteen Shirkadahaan ayaa laga qaaday Dadka Rayidka ah iyo kuwa Garab-raratada ah, waxaana la sheegay in la lunsaday Aduun dhan qiyaastii 300-Millions US$, iyadoo loo xiray qaar ka mid ah Milkiilayaasha Shitkadahaan bugta ku shaqeynaayay, halka intooda badan ay la baxsadeen Hantidii dadka markii ay u fududeeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ilaa 20-millions US$ ay Saraakiisha Bangiga Dhexe ay xayireen in la qaato Shirkadda Himilo Ayaa la tilmaamay in Shacbiga ka uruursatay 20-30 millions US$, Halka Shirkadda Future ay dhaceen Muddo kooban dhaqaale dhan 5-millions US$, iyadoo Bangiga Dhexe uu ka xayiray 1-million US$, Madaxii Shirkadda Eedeysane Yuusuf Cali Uu Magaalada Hargeysa ula baxsaday 3,5 Millions US$, kadib markii Ra’iisul wasaare kuxigeenka uu u sahlay in la siidaayo Eedeysanaha.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa ka gaabiyay inuu wax ka qabto dhac Dhaqaale Ee dadka dan yarta ah oo xoogsato u badan iyo xitaa Madax ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo rumeystay iney macaash badan heli doonaan, waxeyna riyadaasi isku bedeshay qasaare xoogan oo soo gaaray Kumanan Dad ah oo weli cadaalad u raadinaaya xoolahooda la dhacay.

64970cookie-checkShirkadihii Forex Iyo Dhaqaalihii La Lunsaday Yaa Ka Mas’uul Ah