Qarax Miino Oo Ka Dhacay Lamu (Kenya)

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa jid-gooyo loo dhigay Saraakiil ka tirsan Boliiska Kenya, kuwaasoo si dirqi ah uga badbaaday dhimasho Axadi shalay, kadib qarax miino oo ka dhacay waddada xeebta ah ee Lamu, sidda ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah ee Dalkaasi…

Gabriel Musau, oo ah Madaxa Qeybta Boliiska ee gobolka xeebta, ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen koox gaar ah oo ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU) ay bartilmaameedsadeen maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan deegaanka Nyangoro ee Gobolka Lamu.

Musau wuxuu xusay in kooxda weerarka soo qaaday ay baxsadeen waxyar kadib markii ay ku fashilmeen isku daygoodii ahaa inay gaariga qarxiyaan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.

Madaxa Boliiska ayaa tilmaamay in aysan jirin wax dhaawac ah ama waxyeelo kale ah oo laga soo sheegay dhacdada fashilantay, “Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen kadib markii isku daygoodii uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa, ”ayuu Musau ku yiri.

Tani waa isku daygii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah ee lagu qaado ciidamada amniga Kenya ka dib muddo ku dhow sideed bilood oo ay ku guda jireen nasiino iyo weerar la’aan.

Al-Shabaab ayaa fadhigoodu yahay dalka deriska la ah Soomaaliya oo ay soo food saartay dhibaato dhanka amniga ah oo u badan dhacdooyinka la xiriira argagixisada.

Musau ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgalada ka socda deegaanka si loo xakameeyo weerar kasta oo qorsheysan ka dib markii dadka deegaanka ay goor sii horeysay muujiyeen cabsi ah in dhacdadani ay muujineyso in argagixisada ama haraadigooda ay ka shaqeynayaan aagga.

80460cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Lamu (Kenya)