Shil Gaari oo ka Dhacay Degaanada Somalida Ethiopia & Khasaare ka Dhashay…

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil Gaari oo gaari oo xalay ka dhacay degaanka yucub oo ka tirsan Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Rakaabkii saarnaa Gaariga shilka galay…

Wararka ayaa sheegaya in shilkaasi uu galay gaari Leyla Calaawi ah, oo ay leedahay Shirkadda Safarada Al-ixsaan, kaasoo shalay subax ka baxay magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleed Puntland, kuna sii jeeday magaalada Qabri-dahar ee Gobolka Qorraxeey Dowlad Goboleedka Soomaalida Ethiopia.

Fashfaahinta ayaa tilmaamtay in Inta la xaqiijiyay saddex Qof oo uu ku jiro Madax ku xigeenkii Maxjarada Puntland Maxamed Shire Cismaan Sayroon ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ilaa shan Qof oo kale, kuwaasoo u badan haween, waxeyna u docdeen in Xoolo laga doo iibiyay degaanadaasi di loogu dhoofiyo Dalka Imaaraadka Carabta.

336050cookie-checkShil Gaari oo ka Dhacay Degaanada Somalida Ethiopia & Khasaare ka Dhashay…