Bukaanada Dhimirka Qaba Ee Somalia & Qaraada Africa Oo Tiradoodu sii Kordheyso…

Africa News Health Somalia news

Warbixino Caafimaad ayaa muujineysa in Bukaanada uu soo rito Cuddurka Dhimirka ayaa ku soo badanaaya Dalka Somalia iyo guud ahaa Qaarada Africa, iyadoo laga deyriyay sidoo kalena ay aad u hoosayso wacyigelinta iyo daryeelka la siinayo Bukaanada la nool xannuunada dhimirka…

Waxaanna magaalooyinka waaweyn ee Dalka iyo degaanada kale ee miyiga iyo tuulooyinka ah lagu dhex arkaa dadka ay dhaceen xannuunada maskaxdu, kuwaasoo ku dayacan dariiqyada iyo goobaha Qashinka lagu shubo, halka sidoo kale ay jiraan Bukaano kale oo badan oo lagu hayo xarumaha cilaajyada iyo Isbitaalada dhimirka ee ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinka Somalia.

Warbixinta ayaa farta ku goday in Goobaha Caafimaad ee lagula tacaalo Bukaanada ay ka dhacaan tacadiyo, iyadoo Hey’adaha Amaanka iyo kuwa Caafimaadka ay ka gaabiyeen iney Baaris iyo Daba gala ku sameeyaan Xarumaha Cilaajdka iyo goobo si ah loo furtay oo lagu sheegay in lagu dabiibo Bukaanada Xanuunka Dhimirka qaba, iyafoo aysan jirin koormeer iyo ka warqabo xarumahaan iyo Maamulada Agaasima.

Dhanka kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa lagu sheegay in xannuunada dhimirku ay yihiin waxyaabaha ugu badan sababa in qofku uu is dilo ama Dadka Dilo, iyadoo caalamka oo dhan ay sanad walba sare u sii kacayso dadka naftooda dila, taasoo walaac iyo welwel ku haysa dawladaha Adduunka gaar ahaan Qaarada Africa.

277550cookie-checkBukaanada Dhimirka Qaba Ee Somalia & Qaraada Africa Oo Tiradoodu sii Kordheyso…