Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Galay Maalintiisii 2-aad

Somalia news

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho oo looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka & Amniga Dalka si loo meel-dhigo qorshaha geedi-socodka, iyadoo maalintii shalay aheyd Furitaankii & Ice Breaking..

Xubnaha Golahaan ayaa la sheegay iney ka doodeen sida loo sugi karo amniga, waxey kaloo iska xog wareysteen sida loo dhammeystiri karo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Federaalka oo ku dhawaad 30 Xildhibaan laga doortay.

Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo si rasmi ah u bilaabatay 1dii November 2021 ayaa dhowr jeer u joogsatay muran iyo dacwo kasoo laabtay kuraasta lagu doortay Muqdisho, Dhuusamareeb & Baydhabo, iyadoo Maamulada Galmudug, Konfur galbeed ay ka caga jiidayaan iney Doorashada ku qabtaan si daah furnaan laga dheehan karo.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Shirka la balaariyo, Dhinacyada muhiim u ah Doorashooyinka sida Beesha Caalamka oo taageerada dhaqaale bixisay, Golaha Midowga Musharixiinta & Bulshada rayidka lagu biiriyo si loo helo qorshe lagu dejin karo jadwal kama dambeys ah oo Doorashada lagu soo gabagabeeyo.

160020cookie-checkShirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Galay Maalintiisii 2-aad