Shirka IGAD Oo Ka Furmaaya Magaalada Kampala

Africa News

Waxaa lagu wadaa in berito oo ku beegan (isniin) 15-ka November 2021 uu ka furmo Magaalada Kampala ee Dalka Uganda shir looga hadlayo xaaladaha dalalka xad-wadaagga ah ee Ethiopia & Sudan, kuwaasoo maalmahaan Dagaalo iyo dibadbaxyo la dageen…

Madaxda ku bahoobay urur Goboleedka IGAD ayaa ka xaajooneysa sidii aragti mideysan ay uga qaadan lahaayeen xaaladaha kasoo kordhay Jamhuuriyadda Sudan kadib markii Saraakiisha Ciidamada ay awooda dib ula wareegeen.

Halka Dalka Ethiopia Dagaalka sanad jirsaday uu ka socdo waa qodobka ugu weyn ee Miiska saaran maadaama xoogagga TPLF ay u jiheysteen Addis Ababa oo ah Caasimadda Dalkaas & xarunta Midowga Afrika.

Madaxda Ethiopia & Sudan uma badna iney ka qaybgalayaan shirkaan, sababta Xukuumadda Addis ay uga baaqaneyso ayaa ah in Kampala ay taageersan tahay TPLF, halka Militariga Suudaan awoodda ku qabsaday uu yar yahay dhaqdhaqaaqa dibadda.

150690cookie-checkShirka IGAD Oo Ka Furmaaya Magaalada Kampala