Kulan Qarsoodi Oo Ay Yeesheen Adeegaha Qatar & Rooble

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulamo tixana ah Oo todobaadkii ugu dambeeyay Ku yeelanaayeen Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Mogadishu Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta Rooble & Adeegaha Dowlada yar ee Qatar Fahad Yasin kuwaasoo looga dooday qodobo dhowr ah…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Kulamadaan Oo Roxane ahaa looga dooday Khilaafka labada u dhaxeeyay mudooyinkii ugu dambeeyay, Kiiska Sarkaalada NISA sidii hoos loogu dhigi lahaa ka hadalkeeda, sidii uu xubin firfircoon Rooble uga noqon lahaa kooxda Farmaajo iyo qodobo la xiriira Doorashada , Amina iyo kuwo kale.

Kulamadaan ayaa la sheegay iney qeyb ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dooxa, kuwaasoo culeys dhinacyo badan leh ku saareen Mr.Rooble inuu tanaasulaad la yimaado Oo oo la shaqeysto Qowleysatada xiligaan xaaraanta ku fadhida Villa Somalia, iyadoo la xasuusiyay in Qoyskiisa ay daryeel iyo xanaano gaar ah u fidiyeen Amiirada Dooxa, Qatar ayaa balanqaad u sameysay Rooble waxaana loo oggolaaday in Xilalka qaarkood uu soo magacaawdo.

Wararka ayaa sheegay in Todobaadka soo socda Rooble iyo Wasiirkiisa Amniga ay dib u eegis iyo bixin ruqsadaha bilaabi doono kuwaasoo saameyn ku yeelan doonaan Shirkadaha Shisheeye Ee xiriira Arrimaha Amniga, iyadoo lagu wado in Qandaraasyada qaarkood la sheegay in la siin doono Dagaal ooge Cabdi Qeybdiid iyo Moryaanka Qorqor.

150660cookie-checkKulan Qarsoodi Oo Ay Yeesheen Adeegaha Qatar & Rooble