Ciyaaryahan u Dhashay Dalka Uganda Oo Meydkiisa laga Helay Degaan ka tirsan Kenya…

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciyaaryahan kuwa Orodada una dhashay Dalka Uganda ayaa kooxo aan heybtooda la aqoon ku weerareen degaan ka tirsan Dalka Kenya xili gaari uu dhex jiray ayna soo gaareen Dhaawacyo Mindiyo ah, iyadoo lagu wargeliyay Hey’adaha Amaanka..

Wararka ayaa sheegay in Marxuumkaan lagu magacaabi jiray Benjamin Kiplagat oo 34-sano jir ahaa caana ku ahaa Orodada (steeplechase), ayaa la helay isaga oo ay ku yaaliin dhaawacyo Luqunta & Laabta, waxaana laga helay degaan u show Degmada Eldoret ee Gobolka Rift vally ee Dalka Kenya, iyadoo Degaanka ay ka mid ah meelaha uu tababarka ku sameyn jiray ninka la dilay.

Boliiska Kenya ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay uga hadlayaan dilka dhacay balse waxey ka gaabsadeen iney tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan sida uu dilka u dhacay, Xiriirka Ciyaaraha Orodada Aduunka ayaa sheegeen iney “Naxdin iyo murugo ka qaadeen dilka Ciyaartoyda”, iyagoo tacsi u diray Qoyska iyo Dowlada Uganda.

297620cookie-checkCiyaaryahan u Dhashay Dalka Uganda Oo Meydkiisa laga Helay Degaan ka tirsan Kenya…