Mas’uuliyiinta ku shirsan Madaxtooyada Villa Somalia ayaa 2-dii maalmood ee ugu dambeysa ka tashanaayay arrimaha Doorshaooyinka sanadka 2020/21, ayaa shalay u aheyd maalin nasasho hardanka siyaasadeed iyo damacyada is-diidan, iyagoo qaarkood kulamo la yeeshay Xisbiyada Siyaasada iyo Wakiilada Beesha Caalamka…
Ilo wareedyo loo qaaten ah ayaa Diinah.com news u sheegay in Ilaa hadda ma jiro hormar laga sameeyey qodobada alaga wada hadlay oo aan ka ahayn in miiska la isugu wada yimid oo uu yahay shir Soomaali u dhex ah. Dooda ugu culus ee shirka ayaa ah in aan waxba laga beddelin heshiiskii Dhuusamareeb-3, isbeddelkastana isaga saldhig looga dhigo, iyo aragti taas ka soo horjeeda oo sheegaysa in aysan ma jirin cid ku meteshey Dowladaha Puntland iyo Jubaland.
Wararka ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay doonayaan in nooc doorsho oo u eg mid qof iyo Cod laga qabto dalka, halka Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay ku adkeystaan in Maamulka Farmaajo ay ku fashilmeen iney keenaan siyaasad cad oo doorasho lagu qaban karo, waxeyna soo jeediyeen in loo noqdo nooc doorsho uu la mid ah tii2016-kii. iyagoo sidoo kalesoo jeediyay in Guddi doorsho oo isku dhaf la dhiso.
Waxaanse weli go’aan laga gaarin goobaha ay Doorashada ay ka dhacayaan iyo tirada Ergada wax soo xuleysa, waxaana lagu wadaa maanta in qodobadaan iyo kuwo kale looga doodo, Mr.Farmaajo wuxuu diidey inuu magacaabo Wasiirka 1-aad qayb ka noqda wada hadalka, sidoo kale Baarlamaanada ayaan door ku lahayn.
Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqda Ifafaalaha, gorgortan loo dhan yahay iyo mid hoose, waxaana muuqata in sida wax loo saadaalinaayo si ka duwan ay arrimuhu noqon doonaan, lana filan karo iney isu soo dhawadaan kuwo horey aad u kala fogaa, halka ay kala fogaan karaan kuwo horey la isugu xamanaayey.