Xukuumada Oo 9-Sharci u Gudbisay Baarlamaanka si loo Ansixiyo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 9-Sharci oo uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda u diray Guddoonka Golaha Shacabka BJFS warqad, ayna ku lifaaqan yihiin sharciyadaan uuna ku jiro Sharciga La dagaalanka argagixisada oo soo jiitamaayay ilaa Baarlamankii 8-aad..

Sharcigaan oo soo maray marxalado iyo dib u eegis kala duwan, ayaan darro ilaa xiligaan ma gaarin akhrinta kama dambeysta ah, iyadoo su’aalo badan laga keenay inuu ka gudbi doono iska daba wareegii uu sharcigaan soo maray 10-kii sano ee u dambeysay, iyadoo dhamaanka Baarlamaanka dib loogu celinaayay Xukuumada.

Waxaa kaloo ku jira Sharciga “Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman”, waxaana loo isticmaali doonaa ganacsatada, Shirkadaha, Xawaaladaha & Bangiyada Somalia hadba ciddii larabo, waxaa kale oo loo isticmaali doonaa cid kasta oo macaamil la yeelata kooxaha argagixisada, Labadaan sharci ayaa noqon doona seef Laba afle oo sidii la doono loo adeegsado.

225370cookie-checkXukuumada Oo 9-Sharci u Gudbisay Baarlamaanka si loo Ansixiyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com