Senatorada Aqalka sare Oo Dalbanaaya in Saami Laga siiyo Jagooyinka Golaha Wasiirada

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Mooshin ay gudbiyeen 10-xubnood oo Golaha Aqalka sare ka tirsan kuwaasoo dalbanaaya in Saami laga siiyo Xilalka Golaha Wasiirada cusub ee la dhisi doono, waxeyna sheegeen iney cadaalad darro tahay in Xildhibaanada Baarlamaan kaliyah loo oggolaado…

Maalinta Berito ah ayaa loo balansan yahay in Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ay cod kalsooni ah u qaadaan Ansixinta Wadiirka 1-aad ee magacaaban ee Dowlada Federaalka Xamse Cabdi Barre, Mooshinkaan ay Senatarada u gudbiyeen Gudoomiyaha Aqalka sare Mr.Cabdi Xaashi ayaa lagu dalbanaayaan in laga saami laga siiyay Jagooyinka Golaha Wasiirada cusub oo dhawaan la dhisi doono.

Sanetar ka mid ah xubnaha Gudbiyay Mooshinka ayaa sheegay iney dalbanayaan in Golayaasha Baalarmaanka laga wada qeyb geliyo Xilalka Golaha Wasiirada ama laga wada saaro, sida la xaqiijiyay Gudoomiye Cabdi Xaashi waa qabtay mooshinkaan balse lama xaqiijin karo inuu wax talaabo oo ku aadan dalabka Senatarada uu qaaday.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia waxaa la dhisay Sanadkii 2016-kii wixii xiligaas ka dambeeyayna waa ka maqnaayeen Xukuumadihii la dhisay 5-tii sano ee la soo dhaafay, Xubnahaan Mooshinka keenay waxey ku doodayaan inuusan jirin qodob sharci ah oo u diidaaya iney ka mid noqdaan Golaha Wasiirada, balse Xubnaha Xildhibaanada ee taageersan ineysan Senatarada ka mid noqon ayaa soo daliishada Qodobka 97-aad farqadiisa 3-aad ee Dastuurka Qabyada ah kaasoo sheegaya sida hoos ku xusan.

Maadama uu Dastuurku dhigaayo in Ansixinta Golaha Wasiirada ay oggolaanayaan Xildhibaanbada Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha magacaban ayaa la eegayaa sida uu uga jawaabo Caqabaha iyo Mooshinka ay keeneen Senatarada Aqlka Sare, iyadoo dad badan ay qabaan in ka maqnaansha Senaterada Golaha Wasiirada ay Xiisihii ka qaaday xubnaha Aqalka sare, iyadoo Senataro badan ay isaga tageen Senatarnimada si Xildhibaano u noqdaan kadibna Wasiir u noqdaan.

197040cookie-checkSenatorada Aqalka sare Oo Dalbanaaya in Saami Laga siiyo Jagooyinka Golaha Wasiirada