Shirkad Kaluumeysi Oo Chinese ah Ayaa Xayiraado La Saaray

Somalia news

Waaxda Canshuuraha iyo Xuduudaha Ee Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay iney cunaqabateyn ku soo rogtay Shirkad ka shaqeysa Dhoofinta Cunooyinka Badda oo fadhigeedu yahay Dalka China, taasoo magacaceeda lagu sheegay “Dalian Ocean Fishing Company”….

Xukuumada Washington ayaa go’aanka an soo saartay 28-kii bishaan May, iyagoo ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Shirkadaan iney si qasab ah ugu shaqeysato qaar ka mid ah Howlwadeenada degaanka, taasoo caddeymo ku filan loo helay, “ sababtaasi awgeed waxey Dowladda Mareykanka mamnuucday badeecadaha Badda oo ay soo dhoofiso Shirkadaan”.

Sida ku cad bayaanka waxaa Caddeymaha ka mid ah muqaalo si qarsoodi ah loo duubay kuwaasoo muujinayaa Howlwadeeno u dhashay Dalka Indonesia oo u geeriyooday tacadiyo loo geystay kadibna Badda lagu tuuray”, Muuqaal kale ayaa muujinaaya howlwadeen kale oo socodka dhibaaya isla markaasna la soo wariyay inuu gewriyooday kadib markii Jir dil ba’an loo geystay.

Biyaha Somalia ayaa la sheegay iney tacadiyadaasi ka dhaceen, iyadoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu Qandaraas ku siiyay 300 oo Shirkadood iney ka kaluumeystaan Xeebaha Dalka, iyadoo shirkadahaasi China ah ay dhibaato xoogan ku Hayaan Kaluumeystada Soomaalida xaalufin ku hayaan Kheyraadka Badda.

121860cookie-checkShirkad Kaluumeysi Oo Chinese ah Ayaa Xayiraado La Saaray