Rooble Oo Lagu Wado Inuu Bedelo Xubnaha Guddiyada Doorashada

Somalia news

Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa la sheegay in loo gudbiyay Liis magacyo ay ku qoran yihiin kuwaasoo la sheegay in lagu Eedeeyay iney Ka tirsan yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada Villa Somalia, NISA iyo Taageerayaasha Jidbeysan Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo..

Wararka ayaa sheegaya in Qodobada ugu culus una horeeya inuu wax ka qabto Mr.Rooble ayaa ah wax ka bedelida Guddiyada Doorashada ee khilaafka dhaliyay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu wax ka bedelo Guddiyada Doorashada, iyadoo loo gudbiyay liis ay ku qoran yihiin 16-xubnood, waxaana u gudbiyay Midowga Musharixiinta.

Kalsooni ka dhalata Heshiiska la gaaray waxaa udub dhaxaad u ah fulintiisa, waana tijaabada ugu horeysa oo lagu ogaanaayo dhexdhexaadnimadiisa iyo ay uga go’an tahay fulinta Heshiiska Doorashada ee Teendhada Afisioni lagu gaaray, muddada loo qabtay ayaa ku eg 31-May.

121830cookie-checkRooble Oo Lagu Wado Inuu Bedelo Xubnaha Guddiyada Doorashada