Shirkada Pegasus Ee Israel Oo lagu Eedeeyey Basaasida Saxaafadda & Siyaasiyiinta Caalamka

World

Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee u dhaq-dhaqaaqa Xaquuqul Insaanka oo caalamka daafihiisa ku kala sugan ayaa la sheegay in telefonadooda la basaasay, iyadoo la adeegsanayo Software iyo Barnaamijo ay soo saareen shirkadaha laga leeyahay Israel…

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee Shirkadda Pegasus ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah.

Baaritaankaan lagu helay xogtan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Khubaro ku takhasuusay Baarista, Wakaalada Warar caalamka ah ayna kus mid yihiin Wargeysyada Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo shirkadaha warbaahineed.

Software-ka Pegasus  ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan ka iibisa dowlado kala duwan oo caalamka ah.

130510cookie-checkShirkada Pegasus Ee Israel Oo lagu Eedeeyey Basaasida Saxaafadda & Siyaasiyiinta Caalamka