Ma Dhabaa In Xoogaga Xuutiyiinta ay Gantaal ku Weerareen Markab Shidaal…

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa War ka soo baxay Taliska dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee fadhigiisu yahay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar, ayaa daah ka rogay in Markab shidaal oo lagu magacaabo Motor Tanker STRINDA abaarihii 4,00 PM lagu weeraray Gantaal kaasoo khasaare ka dhashay…

Wararka ayaa sheegay in Markabkaan uu maraayay marinka Bab el mandeb meel u jirta magaalada Xudeyda 15-KM, Captanka Markabka STRINDA ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay Gantaalka oo dab uu ka kaco qeybo ka mid ah Markabka, balse wax khasaare ah ma jiro Nololeed hadda, Taliska USA ayaa intaasi raaciyay ma jirin wax maraakiib ah oo Maraykan ah oo ku sugnaa agagaarka goobta uu weerarku dhacayay, laakiin Markabka USS MASON ayaa ka jawaabtay baaqa M/T STRINDA oo hadda gargaar bixinaya.

Markabkaan ayaa Kooxda Xuutiyiinta ay sheegeen iney iska leeyihiin Ganacsato u dhashay Dalka Israel, balse Wuxuu ka diiwaan gaahan yahay Dalka Noway, Hogaanka Xuutiyiinta ayaa dhankooda ka sheegay in Markabkaan lagu amray inuu ka fogaado xeebaha Dalka Yemen balse ka dhego adeygay, waxaana lagu weeraray Gantaalka Ant-Ballistic Missiles

Maareeyaha Guud ee Dekedda Eliat ee ISRAEL ayaa sheegay, “85% dakhligeena wuxuu ka soo gala Gadiidka laga soo dejiyo, laakiin hanjabaadaha Yemen (Xuutiyiinta) awgeed, maraakiib siday 14 kun oo Gadiid ma awoodaan inay dalka soo galaan tan iyo 15-kii November.”

292820cookie-checkMa Dhabaa In Xoogaga Xuutiyiinta ay Gantaal ku Weerareen Markab Shidaal…