Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ragaadiyay Talisyada Amisom & Xoogga Dalka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Taliyayaasha Ciidamada Amisom iyo Kan Ciidamada Xoogga Dalka, is-maandhaafkaan ayaa la sheegay inuu ragaadiyay Howlgalada iyo dagaalada lagu qaado Kooxaha argagixisada Shababka iyo kuwo kale…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Khilaafkaan uu si gaar ah uga dhaxeeyo Taliyayaasha Ciidamada Amisom (Gen.Diomeda Ndegeye) iyo Kan Xoogga Dalka (Gen. Yuusuf Odowaa Raage), wuxuu soo bilaawday 23-kii Bishii May, kadib markii Howlgal muddo bil ah ka socday Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe uu hogaaminaayay Taliyaha Xoogga Dalka.

Wada shaqeyn la’aanta iyo xiriirka xumaaday ayaa xudun u noqotay xiriirka xuumaday ee 2-da Sarkaal taasoo wiiqday Howlgalada Ciidamada Xoogga Dalka ay ku doonaayeen iney ku soo af jaraan degaanada ay maamulaan Kooxda Shababka, Khabiir Dhanka Amaanka Ayaa sheegay in “Cuqdad gaamurtay ay u dhaxeyso labada Taliye”.

Taliska Ciidamada Amisom oo aan dafirin xiisadaan ka dhex oogan ayaa Hogaanka Ciidamada Somalia ku eedeeyay “iney isku keli yeeleen” Howlgalka kana gaabiyeen la wareegida Farsiimada Buurane, Golaley iyo Ceel baraf oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, Afhayeenka Ciidamada Dowladda Ayaa beeniyay warkaasi.

Cawaaqibka Khilaafka:-

Gen.Odowaa ayaa la sheegay inuu Qoraal u diray dhigiisa Amisom ayuu ku dhaliilay Ciidamadooda, wuxuuna sheegay iney si “caajis ah” ku wajahaayaan Dagaalada Kooxda argagixisada Shababka, Qoraalkiisa ayaa qeyb ka aheyd qoraalo ay is dhaafasadeen labada Talis, Wuxuuna ku eedeeyay Ciidamada Amisom iney doonayaan in “Hawada Biyaha iyo Raashinka looga keeno” oo ay xeryahooda ku negadaan, ayuu ku xusay Mr.Raage Qoraalkiisa.

Khilaafka labada Talis ayaa laga digay wuxuuna caqabad ku noqon karaa dadaalada lagu doonaayo in lagu xidido siibo Kooxda argagixisada Shababka, Sida ay sheegeen Khubaro war gal ah, kuwaasoo ka welwelsan in murankaan uu saameyn ku yeesho Amniga iyo Doorashooyinka dadban.

130550cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ragaadiyay Talisyada Amisom & Xoogga Dalka