Share the post "Shirkadda Hormuud & Tiro Bangiyo ah Oo Lagu Eedeeyay Iibsashada Dhulalka Villa Xaraasheyso.."
Warbixino welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in Hormuud, Bangiyada Premier Bank, IBS Bank & Shirkado kale ay ku lug leeyihiin iibsashada qorshaha dhul boobka ee Danta guud Kooxda Villa Somalia ay xaraasheyso si sharci darro ah isla markaasna aan loo marin nidaam la isku waafaqsan yahay…
Labadii sano ee ugu dambeysa waxaa soo shaac baxaayay in Maamulka fashilmay ee Villa Somalia uu dardar geliyay qorshaha lagu iibinaayo Dhulalka Danta guud, waxaana ka mid ah dhulalka la xaraashay Dhulalkii xaruntii Dab-damiska, Dhulalkii Hogaanka Dhismaha Boliiska iyo Guryihii Taliyaha Boliiska iyo Kuxugeenka, Dhulkii Guryahs Bangiga dhexe oo ku wada yaala Degmada Wadajir, Dhulkii Warshada Caanaha Dhulalkii Warshadaha Kabka iyo Sheybaarkii Jaamacada, Taliskii Difaaca Cirka, Dhulkii Hoteelka Taleex iyo Carwadii oo ku yaalay Degmada Hodan.
Sidoo kale waxaa la iibiyay Dhulkii Wasaarada Kaluunka oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha iyo Dhulkii Ciidanka Badda, Dhulkii u dhaxeeyay Shaneemoyinka Ceel gaab iyo Super ee Degmada Xamar Jajab, ku darsoo dhulkii ku yaalay Agagaarka Shanineeno Benaadir, Dhulkii Hoteel Jubba iyo Xaruntii Ex Ente Banana iyo tiro dhulal loo qondeeyay Xanaanada Caruurta.
Waxaa miiska saaran in ka iibiyo dhulkii Shirkole, xaruntii Gaadiidka Qaranka, Xeryihii Guulwayaasha, Guuto 2-aad, Warshadi Taraqa, dhulka Xaafada If iyo Aakhiro ee Degmada Wardhiigley, iyadoo Warshadii Maacuunka uu boobay Xisbiga UDP oo Jaamacad ka dhigtay, Dhulalkaan ayaa waxaa inta badan wada iibsaday Hormuud, Bangiyada Premier Bank, IBS Bank, Ganacsato iyo Xawaalado.
Xogo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in iibinta Dhulalka danta guud ee la iibiyay Hogaanka Villa Somalia uu ka macaasha lacag lagu qiyaasay 300-400 Millions US$ taasoo la sheegay in Cash ahaan shuruud loogu xiray iney ku keenaan Shirkadaha, Bangiyada iyo Shaqsiyaadka iibsaday taasoo raad raac cad leh oo lagu Maxkamadeyn karo kuwa Iibsaday iyo Xasan Gurgurte.