Deni iyo Xasan Sheekh Hadda Miyey Gar-waaqsadeen In Ay Isu Baahan Yihiin?

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Mas’uiliyiin hordhac u ah safaraka Madaxweynaha Somalia oo lagu wado inuu dhawaan gaaro magaalada Konfurta Gaalkacyo, waxaana u qorsheysan inuu u talaabo dhanka Waqooyiga si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland…

Iyadoo lagu wado inuu Madaxweynaha furo tartanka Ciyaarihii kubadda cagta ee gobolada Puntland oo lagu wadaa 01 September 2023 ay ka furmaan Waqooyiga Gaalkacyo, Madaxweynaha Puntland oo hadda safar ku maqan ayaa doonaya inuu ka qeybo galo furutaanka ciyaaraha.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ay wada hadleen tiro ka saddex jeer todobaadyadii u dambeeyey, iyadoo ay fududeeyeen UAE & Ethiopis, waxaa lagu wadaa in is arag toos ah ay ku yeeshaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

KULANKA DANI KU BADAY

Waxaa muuqata in Mr.Deni hadda garwaaqsadey inuu u baahan yahay Dowladda federaalka, si loo sii daayo dhaqaalaha mashaarciida horumarinta, halka madaxweyne Xasan Sheekh doonaayo in Puntland ka qaybqaadato kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan loogu balansan yahay Dhuusa mareeb, Kulankuna uusan noqon mid doceed ah oo Puntland markasta gooni loo arko, Xasan Sheekh wax weyn ayaa uga xiran Puntland waxaana u horeeya geedi socodka dowladnimada iyo deyn cafinta, oo aysan suurta gal ahayn in uu dhamaystiro haddii aanu Puntland helin.

HOOS U DHAC DHAQAALE

Puntland waxay xubin ka tahay Dowladda Federaalka, khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa keenay in gebi ahaanba mashariicdii iyo Kabkii miisaaniyada ay wada istaagtaan, waxaa jira qaar badan oo kamid ah wasaaradaha Puntland sida, Maaliyadda, Deegaanka, Haweenka, Qorsheynta, Hawlaha Guud iyo qaar kale ay ku xiran yihiin mashaariicda Baanka Adduunka kuwaasoo gebi ahaanba istaagey, Wasaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ayaa diidey iney Puntland u soo wareejiso kabkii Miisaaniyadda ee Baanka Adduunka, taasoo Wasiirka maaliyadda ee Puntland si toos ah u dalbadey.

273470cookie-checkDeni iyo Xasan Sheekh Hadda Miyey Gar-waaqsadeen In Ay Isu Baahan Yihiin?
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com