Dabley Shabaabka ka tirsan oo Rakaab saarnaa Gaari Bas ah Muxaadaro ugu jeediyay gudaha Kenya

Africa News

Warbaahinta dalka Kenya ayaa tafaasiil ka bixisay Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Kooxda Shabaabka ay jidka u galeen gaari bas ah oo waday rakaab, kusii jeeday magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya…

Wararka ayaa dheegay in Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay in ay istaajiyeen gaari bas ah oo laheyd shirkadda Al Mukaram xilli uu marayay inta u dhaxeysa degaanada Dabacity iyo Dimu, waxa ayna dadkii saarnaa ku amreen in baska kasoo degtaan.

Kooxdaan ayaa la sheegay in gaariga baska ah ka dhax raadiyeen dad aan muslim aheyn oo gaariga la socda , waxaana la sheegay markii dambe in Kooxdani hubeysan ay muddo saacad ka badan muxaadaro u jeedinayeen dadkii baska la socday.

Wargeyska The Daily Nation, ayaa qoray in Kooxda Shabaabka ay labo isku qeybiyeen intii baska heysteen qaar muxaadaro diini ah dadka u jeediya iyo kuwa kale oo duurka galay oo ilaalo u hayay dagaalyahanada muxaadarada u jeedinayay dadka rakaabka ah.

197140cookie-checkDabley Shabaabka ka tirsan oo Rakaab saarnaa Gaari Bas ah Muxaadaro ugu jeediyay gudaha Kenya