Ma Dhabaa in Argagixisada Shababku ay Sumeeyeen Ceel-biyood ku yaal Gobolka Hiiraan

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo naxdin leh oo dhimasho xambaarsan oo ka dhacday degaanka Ceel Jiiqoow oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ceel-biyoodkii Degaankaasi ay sumeeyeen Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka, sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan laba Qof oo Rayid ah ayaa ku sumoobay kadibna u geeeiyooday kadib markii ay cabeen biyo at ka shubteen Ceel-biyoodka Tuulada, Marxuumiinta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Saney Abiikar Aadan iyo Maxamed Uul Nuur, waxaana biyo cabistaasi ku xanuunsaday 5-Qof oo kale kuwaasoo lagula taxaalayo Isbitaalka degaanka.

Ceel-biyoodkaan oo ay qarxiyeen Kooxda argagixisada Shababka isla markaasna ay dayactireen Dowlada Federaalka, iyagoo gaca ka helay isla degaanka, kooxda Shabab ayaa 18-kii September gubay dhowr oo isla degaanka ku yaal waxeyna ky amreen iney isaga qaxaan ka hor inta aysan ku dhaqaaqin falalka guracan. 

216180cookie-checkMa Dhabaa in Argagixisada Shababku ay Sumeeyeen Ceel-biyood ku yaal Gobolka Hiiraan