Shirkaddo Diyaaradeed Oo Shuruudo Adag Lagu Xiray

Somalia news

Shirkadaha Diyaaradaha Ee Flydubai (FZ, Dubai Int’l) iyo Air Arabia (G9 Sharjah), oo ka howl geli jiray Degaanada Waqooyiga Somalia, ayaa dhexda uga dhacay Khilaafka Somalia iyo Somaliland, kadib markii ay hakiyeen Duulimaadyadii sababo la xiriira Cudurka Coronavirus….

Xogo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa u xaqiijiyay in Shirkadahaan ay Duulimaadyada u joojiyeen kadib markii Agaasinka Hawada Ee Somalia ay ku wargeliyaan in la xiray Hawada Dalka sababo la xiriira Cudurka COVID-19, talaabadaan oo ay uga caroodeen Maamulka Muuse Biixi Ee Somaliland.

Waxaana lagu wargeliyay shuruudna loogu Xiray dib u howl bilaabo days Duulimaadyada Ee Maamulka Shirkadaha Diyaaradaha iney marka hore raali gelin ka siiyaan Maamulka Muuse Biixi amarkii ay ka qaateen Muqdishu (SCAA) duulimaadkii 19-kii Maarso 2020, iyadoo kulan Dhacay 18-kii Oktober 2020, labada dhinac ay uga doodeen sidii mar labaad dib loogu bilaabi lahaa Duulimaadyada ayaa ku soo dhamaaday heshiis La’aan.

Waxaana la sheegay in kulamada labada dhinac ay sii socon doonaa, inkastoo ay shuruudo ku xireen Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada iyo Madaxtooyada Hargeysa, Madaxda Shirkadda Flydubai ayaa sheegay in wada hadalo la bilaabeen Maamulka, halka Air Arabia ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan.

70640cookie-checkShirkaddo Diyaaradeed Oo Shuruudo Adag Lagu Xiray