Xarun Isgaarsiineed Oo La Burburiyay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Karo oo 11-km u jira Magaalada Mandheera ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay bur-buriyeen xarun Isgaarsiineed oo Shirkadda Safaricom ay ku laheyd degaankaasi, iyaadoo lasoo sheegaya in isgaarsiintu ay maqan tahay….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Kooxda weerarka ku qaaday xarunta Shirladda Safaricom ay iska caabbin kala kulmeen Ciidanka KPR-ta oo la sheegay in ay ilaalo ka hayeen Xarunta., balse waxaa u suurto gashay iney burburiyaan Tower-ka iyo qeybta lalinta Isgaarsiinta.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in wali isgaarsiinta Shirkaddaasi ay degaanka ka maqan tahay, waxaana dadka degaanku ay soo sheegayaan in tan iyo xalay ilaa hadda ay yihiin kuwo aan haysnin Adeegga Isgaarsiinta shirkadda, kooxda Shababka iyo Maleeshiyo Beesha Maxreexaan ayaa xiliyadii ugu dambeeyay ka waday degaanka howlgalo.

70680cookie-checkXarun Isgaarsiineed Oo La Burburiyay