Jubbaland Oo Faahfaahin ka soo Saartay Ciidamada Ethiopia ee ka soo Talaabay Xadka

Somalia news

Maamulka Jubbland xaqiijiyay inay Ciidamo Ethiopian ah oo kasoo gudbay Degmada Doolow ee xadka labada dal ay soo gaareen qeybo kamid ah gobolka Gedo, maalmo kadib dagaalladii Alshabaab kula galeen Xuduuda Gobolada Bakool iyo Hiiraan…

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia u tageen Gobolka Gedo sugida Amniga xaduudaha, si ay uga hortagaan in Argagixisada Shababka mar kale weerar kusoo qaadaan dowlad degaanka Soomaalida, wuxuu sheegay Ciidamadaan inay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Doolow iyo buundada magaalada, wuxuuna sheegay inay yihiin ciidamo yar oo aan ahayn sida loo buunbuuniyay.

Dowladda Ethiopia ayaa Ciidamadan ay soo galisay Gobolka Gedo ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin ka hortagida weeraro Kooxda Shababka mar kale ay qorsheynayaan inay dalkeeda kusoo qaadaan, sida ay horey uga digtay Dowladda Maraykanka.

206520cookie-checkJubbaland Oo Faahfaahin ka soo Saartay Ciidamada Ethiopia ee ka soo Talaabay Xadka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com