Laftagareen oo lagu Eedeeyay Lunsashada  Dhaqaalaha Dalka

Somalia news

Madaxweynaha Konfur galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn loogu dhaleeceeyay baraha bulshada, kadib markii uu soo baxay war sheegaya in Malaayiin US$ Mareykanka ah uu ka dhacay Shacabka uu xukumo, Dhaqaalahaana uu dhigtay Ziraat Bank, oo ku yaalla dalka Turkiga…

Macluumaadkaan ayaa tibaaxay in Aduun dhan $12-millions, oo inteeda badan lagu sheegay, dhaqaale loogu tala galay in lagu garab istaago dadka ay abaaruhu saameeyeen, ee ku rafaadsan degaannada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasoo sidoo kale cunaqabateyn adag kala kulmaya Shabaab iyo lacagaha Laalushka Doorashada uu ka macaashay.

Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose, waxa ay kaalmaha hore, kaga jiraan, abaaraha iyo gobollada ugu amniga daran Dalka, waxayna si daran ugu nugul yihiin duruufaha Isbaddelka Cimillada, ee abaaruhu ugu horreeyaan, hayeeshee, Cabdicasiis Laftagareen, wuxuu kaliya diirrada saarayaa boob iyo maal aruursi.

Musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida Dadweynaha, waa mid ay caan ku yihiin, hoggaanka siyaasadda Somalia, waxaana la rumeysan yahay in madaxda Maamuladu dhaqaale xoogan ka sameeyeen doorashooyinka dadban, kuwaasoo inta badan kuraasta labada Gole, u boobay shaqsiyaad gaar ah.

Tiro badan oo ka mida ah Bangiyada Turkiga ayaa Siyaasiyiinta Somalia u noqoday, goobta ay hantida ay dalka ka dhaceen ku qarsadaan, wuxuuna hadda Dalkaasi fariisin nasiino u yahay Madaxweynayaaha, Koofur galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaasoo Kooxda Farmaao u boobeen kuraasta ay ku fadhiyaan.

172290cookie-checkLaftagareen oo lagu Eedeeyay Lunsashada  Dhaqaalaha Dalka