Shirkii Dhuusa mareeb Oo Lagu Kala Tagaayo

Somalia news

Inkastoo ay socdaan dadaalo lagu baajinayo shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Jubbaland oo ka imaanaya Beesha caalamka iyo Madaxda shirka ku jirta, si la isugu dayo in la isku soo dhaweeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe….

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow warbaahinta la hadli doono, isagoo ka warbixin doono marxalada uu shirka marayo iyo in weli la is mari la’yahay.

“Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb”.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya Mr.Farmaajo oo qorsheystay inuu soo baxo uu hakiyay Safarkii, iyadoo berito lagu wado iney Xildhibaanada Baarlamaanka ay sameystaan muddo kordhin hal sano ah.

92410cookie-checkShirkii Dhuusa mareeb Oo Lagu Kala Tagaayo