Danjiraha Qatar Oo Ka Gaabsaday Inuu Taageero Baaqyada Beesha Caalamka

Somalia news

Iyadoo uu haataan Dalku galay marxalad kala guur ah, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Danjiraha Dowladda Qatar Ee Magaalada Mogadishu uu labadii todobaad Ee ugu dambeeyay ku mashquulay sidii uu Taageero ugu raadin lahaa dib u Doorashada Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, wuxuuna Danjirahaan ka baaqsaday inuu dadaalada Wakiilada Beesha Caalamka Taageero…..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Danjiraha Qatar Mr.Hassan Bin Hamza uu kulamo qarsoodi ah la qaatay Odayaal Dhaqmeed, Siyaasiyiin Saraakiil Ciidan iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Magaalada Mogadishu, wuxuuna culeys ku saaray iney taageeraan dib u Doorashada Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, isagoo balanqaad dhaqaale ugu yaboohay.

Wararka ayaa tilmaamay in ilaa 6-Wasiir Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle uu u gudbiyay Fariimo xambaarsan nuxurkaan “Dowladda Qatar dhaqaale iyo Siyaasad ahaan ayeey u taageereysa Ololaha Doorashada dib u Doorashada Farmaajo, balse waxey dooneysaa inuu ku tiursanaado Beelaha Muqdishu”.

Danjire Hamza oo aan looga baran kulamada nuucaan ah ayaa dadkii uu la kulmay waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale oo Shaqaale ka ahaa Tv-ga Al-Jaziira news, ayuu kala hadlay sida looga adkaan karo musharrixiinta ay isku heybta yihiin ee sida adag u mucaaradsan maamulka Farmaajo.

Danjire Hamza oo kaashanaya safiirka Turkiga ayaa kulan ay horraantii bishii Janaayo la galeen Ra’siiul Wasaaraha u sheegay in ay saaxiibo ku dhex leeyihiin beesha caalamka, isla markaana ku qancin doonaan in madaxweynaha looga dambeeyo arrimaha doorashada, Hase yeeshee arrinkaas ayaa suurtagali waayay kadib markii safiirada Mareykanka, UK iyo kan QM ay kasoo horjeesteen, soona saareen qoraallo u muuqda in lagu amrayo madaxda dowladda, beesha caalamkana isugu muujineyso inay leedahay go’aanka kama dambeysta ah.

92380cookie-checkDanjiraha Qatar Oo Ka Gaabsaday Inuu Taageero Baaqyada Beesha Caalamka