Cabadaha Shirka Dhuusa mareeb Iyo Qodobada Xalinta U Baahan

Somalia news

Iyadoo la filayaa in maalinta berri ah ay magaalada Dhuusamareeb ku soo xaadiraan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka qeyb galaya wajiga 2-aad ee shirka Dhuusamareeb ee looga arrinsanayo xal u helista Cabaqdo dhowr oo u baahan in la xaliyo Ka hor Shirka.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news la qeybsaday Qodobo dhowr ah oo u baahan in marka Hore laga heshiiyo, waxaana ka mid ah:-

Khilaafka Farmaajo Iyo Axmed Madoobe:-
Waxaa taagan khilaaf gaamuray oo u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe oo ku saabsan sharci ahaanshaha Madaxweynenimo, inkastoo uu Farmaajo oggolaaday in Axmed sii ahaado madaxweyne kumeel gaar ah muddo laba sano ah, haddana Sharciyada iyo Dastuurka iyo Shuruucada Dalka ma waaqsana, waxeyna u baahan tahay in xal laga gaaro ka hor inta uusan shirku furmin.

Madaxweyne Farmaajo…. Marti Mise Martigeliye ?

Xogo la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa xaqiijinaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay la xiriirtay Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlad goboleedka Galmdug iyadoo si rasmi ah u weydiisatay in Villa Somalia lagu wareejiyo hoggaaminta shirka, si uu madaxweyne Farmaajo u matalo kaalinta martigeliyaha shirka, balse arrinkaas waa ay ka biya diidday Galmudug.

Villa Somalia ayaa ku doodday in Madaxweynuhu uusan marti ku noqon karin meel waddanka gudihiisa ah, isla markaana uusan marti u noqon doonin maamul isaga hoos yimaado, dhanka kale Galmudug ayaa ku adkeysatay in martigelintooda ay tahay waxa lagu wada kalsoon yahay, sidaas darteedna ay qasab tahay inaan waxba laga beddelin Martigeliyaha shirka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu degi doonaa oo loo diyaariyay xarunta Madaxtooyada Galmudug, waana isla goobta uu shirka ka dhacayo, ammaan ahaanna waa Madaxweynuhu waxaa uu la imaan doonaa in ka badan 200 oo askari oo koofiya cas ah, waana arrimo u baahan in dhamaman dib loo eego marka la qayaxayo cidda martida ah iyo cidda martigeliyaha ah, taas oo macna weyn ugu fadhida madaxda dowlad goboleedyada oo dhowr jeer oo hore gaashaanka u daruuray shir uu Madaxweynuhu ugu yeeray Muqdisho.

Doorka Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo labo jeer oo hore shirkii Golaha Wasiirada ka sheegay in dalka ay dhaceyso waqtigii loogu tala galay, ayna jiri doonin wax muddo kororsi ah, isla markaana muddo kororsiga yahay mid sababa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, inkastoo uu ku baaqay doorasho la isla ogolyahay oo ay ka wadatashadaan dowlad federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda, balse mowqifkiisa ku aadan sharciga doorashooyinka uu riixayo Madaxweynaha iyo doorasho dadban oo ay riixayaan dowlad goboleedyada ayaa kala caddeyn midka uu qaadan doono.

Shirka Dhuusamareeb waxaa lagu kala ogaan doonaa aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee qaabka doorashada u dhici doonto, maadaama labadii jeer ee uu hadlay aanu soo hadal qaadin sharciga doorashooyinka ee qof iyo codka, isla markaana isaga iyo Madaxweynaha ay ku kala duwanaayeen qaabka ay uga hadleen doorashada, maadaama Madaxweynuhu caddeeyay doorasho dastuurka waafaqsan iyo sharciga doorashooyinka, halka Ra’iisul Wasaaruhu caddeeyay doorasho la isla ogol yahay oo ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan.

Dhammaan caqabadahan oo labada dhinacba ay xalka ku kala aragti duwan yihiin ayey waxay culeys iyo cadaadis fara badan saarayaan Madaxweynaha Galmudug oo u muuqda inuu yahay cidda u kala dab qaadi doonto Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, sidoo kale beesha caalamka oo kaalin weyn qaadata marka ay arrimuhu sidaan oo kale u murugsan yihiin ayaa la filayaa inay qeyb ka noqon doonaan xalka ku saabsan caqabadaha taagan, balse ma jirto cid odorosi karta waxa dhici kara todobaadkan kulul ee nagu soo fool leh.

48530cookie-checkCabadaha Shirka Dhuusa mareeb Iyo Qodobada Xalinta U Baahan