Shirkii Teendhada Afisioni Oo Hakad La Geliyay

Somalia news

Wararkii ugu Dambeeyay ee shirkii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa sheegaya in hakad la geliyay Kulamadii kadib markii natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday maalintii labaad, waxaana la sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu diiday inuu tanaasulaad la yimaado oo uu fuliyo dhamaan qodobadii ay Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland hordhigeen…

Shirkaan oo socday labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa hareeyay Muran iyo Is-Aflagaadeyn, iyadoo la sheegay aan maantana xal laga gaari waayay Qodobada qorsheysan, inkastoo galinkii hore Warbixino laga dhageystay Guddigii Farsamada Ee ku heshiiyay Magaalada Baydhabo.

Qodobada la isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah Ajandayaasha shirka, Dhimista awoodaha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee xiliga kala guurka, Wax ka qabashada dhacdadii 19-ka Feb iyo Ka qeyb galka Shirarka ee Midowga Badbaadada Qaran iyo Bulshada Rayidka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal Maalin Hakad la geliyay si Dhinacyadaan la tashiyo iskugu laabtaan, waxaana la balamay 6-da April (Talaadada), Waxaana lagu wadaa in Wakiilada Beesha Caalamka ay diyaariyeen Plan B oo ay hordhigaan dhinacyadaan hadii ay heshiin waayaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug oo muddo 3-jeer shalay ka soo baxay shirka ayaa dheegay inuu u dhoofaayo Magaalada Dhuusa mareeb, kadib markii uu ka rajo dhigay Shirka Teendhada Afisioni, lama oga Go’aanka ay ka qaadan doonaan Wakiilada Beesha Caalamka oo horey u sheegay inaan la bixin karin iyadoo aan heshiis la gaarin.

107910cookie-checkShirkii Teendhada Afisioni Oo Hakad La Geliyay