Maxkamada Rafcaanka Oo Siideysay Dembilayaal

Somalia news

Maxkamada Rafcaanka ayaa soo saartay xukun jebin ku aadan xukun ay horey ugu riday Maxkamada Gobolka Benadir Dambilayaal horey loogu soo Eedeeyay iney Musuqmaasuq la xiriira iney ku takrifaleen hanti ay laheyd Wasiirada Caafimaadka Somalia…

Qoraal ay soo saartay Maxkamada Rafcaanka ayaa lagu xusay in Dambiile Bashiir Cabdi Nuur oo ahaa Xisaabiyaha Mashruuca Wacyi gelinta Caafimaadka iyo Mahdi Abshir Maxamed oo horey u ahaa Madaxa Xisabaadka Mashruuca Malariyada iyo HIV/AIDS in xoriyadooda dib loogu celiyay kadib markii ay jabiyeen Xukunkii Hore Ee lagu xukumay.

Xukunka la jebiyay ayaa dhacay bishii Agoosto Ee sanadkii hore (2020), iyadoo Dembilayaashaan ku kala xukunaa sida hoose ku xusan:-

-Dembiile Bashiir Cabdi Nuur 3-sano oo xariga ah iyo ganaax dhan 1183-US$ Oo ay wehliso ka reebid Xafiis Dadweyne muddo 5-sano ah.

-Mahdi Abshir Maxamed ayaa horey loogu xukumay 12-sano oo xariga ah iyo ganaax dhan 2366-US$ ay wehliso ka reebid Xafiis dadweyne.

99310cookie-checkMaxkamada Rafcaanka Oo Siideysay Dembilayaal