Dhaqaale Xumida Dalka Oo Horseeda Jangoyn La’aanta Qiimaha & Dhakhliga Macaamiisha..

Business Somalia news

Dalka Somalia, Waxaa suurtagal ah inaad aragto Dukaankii ama Goobtii ganacsi ee aad macaamiilka u aheyd oo si halhaleel ah loo xiray (ama burburay), waxaa dhacda inaad is-waydiisid sababta loo xiray meheradaasi iyo duruufaha ku gedaaman..

Khubarada Dhaqaalaha & Maaliyada ayaa saldhig uga dhiga Arimo badan ay sabab u noqon kara burburka Ganacsiyada ka jira Somalia, ha yeeshee, waxaa ka mid ah sababaha ugu muhimsan ee keena burburkaasi, Qiimaha ay shirkadaha ku iibiyaan Badeecadooda (alaabtooda) iyo Adeegyada, Jaangooynta qiimaha Badeecadaha waxaa saldhig u ah dhowr arimood oo ay ugu muhimsan yihiin qiimaha suuqa, qarashkii galay alaabta, iyo qorshaha suuq geynta ee shirkadda iyo Canshuurta Iibinta.

Waxaa soo raacaya qodob kale oo aad muhim u ah, kaasoo inta badan shirkadaha ama Ganacsatada (Gadisleyda) aysan ku baraarugsanayn ahmiyadda ay leedahay dakhliga Dadka ku nool Dalka, Dakhliga dadka waxa uu ka tarjumayaa awoodda wax iibsashada ee macaamiisha.

Qiimaha aan lagu saleynin Dakhliga Dadka (Macaamiisha) waxaa ka dhashay in dadka badankood aysan awoodin iney gataan alaabtaasi, taasi oo keeni karta yaraanta dakhliga iibka ee Shirkadda (Dukaanka), Haddii uu yaraado dakhliga Dukaanka waxaa dhacaysa in la bixin waayo Qarashaadka maalin laha ah ee shirkadda, ijaarka iyo mushaarka shaqaalaha iyo Canshuurta Iibka, Ugu dambayntiina, waxaa qasab noqonaysa in la xiro Meheradaasi.

297000cookie-checkDhaqaale Xumida Dalka Oo Horseeda Jangoyn La’aanta Qiimaha & Dhakhliga Macaamiisha..