Senatorada & Xildhibaanada Oo Dhaqaale & Taageero u Fidiyay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf ee Tartanka AU-da..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aan ay si wadajir ah u gaareen Senatorada & Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kuna aadan Musharaxnimada Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ee Musharaxnimadeeda tartanka Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa kaasoo dhawaan la qaban doono…

Xildhibaanada iyo Senatorada ayaa isku raacay in Xubin kasta laga jaro 500-US$ mushaarkooda si loogu taageero Musharaxnimada Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo u taagan Tartanka Gudoomiyaha Guddiga Africa (African Union Commission) kaasoo lagu wado in dhawaan lagu qabto xarunta AU-da magaalada Addis abeba.

Dhanka kale, Kulanka 17-aad ee 2-da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay ka dooday soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka Cutubka 2-aad ee xuquuqa asaasiga iyo waajibaadka Muwaadinka ee Qodobada 10-aad ilaa 20-aad, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ayaa Mudanayaashe la wadaagay warbixin soo koobeysa 9-ka qodob ee Cutubka 1-aad ee Dastuurka oo doodista la soo xiray, isla markaasna la soo bandhigay macluumaad qoraal ah oo ay ku dhan yihiin aragtida Xildhibaanada iyo Senatorada fikirkooda dhiibtay.

310880cookie-checkSenatorada & Xildhibaanada Oo Dhaqaale & Taageero u Fidiyay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf ee Tartanka AU-da..