Siyaasada Fashilka ee Hogaanka Villa Somalia & Heshiiska uu la Gaaray Ethiopia…

Africa News Politics Somalia news

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa ka niyad jabay hab-dhaqanka Hogaanka faahilmay ee Villa Somalia kaasoo muddo sanad ah ku hadaaqayay inuusan miis la fariisaneyn Ethiopia ilaa ay raali-gelin ka bixiso heshiiskii is-fahamka ee Badda ee Somaliland & Damaceeda guracan…

Nuxurka War-murtiyeedka laga soo saaray Wada hadalada Somalia iyo Ethiopia ee Turkiga garwadeen ka ahaa ayaa waxaa la isku raacay in labada dal ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay khilaafaadka (Taasoo macnaheedu yahay MOU) waxeyna qodobada lagu heshiisyay u qornaa sidaan:-

-In la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka labada dal sida ay qabaan xeerarka caalamiga ee Axdiga QM iyo Midowga Afrika (Taasoo meesha ka saareysa shuruudii raali gelinta).

-In Ethiopia loo oggolaado marin badda ah oo sharciyeysan, iyadoo la tixgelinayo wadajirka dhuleed ee Dowladda Federaalka

-Waddamadu waxay ballan qaadeen:

Bilaabida wada xaajoodyo farsamo dhamaadka Febraayo 2025

Dhamaystirka iyo saxeexa heshiisyo dhammaystiran afar bilood gudahood

Somalia waxay si cad u aqoonsatay naf-hurnimada askarta Itoobiya ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika, taasoo ah tilmaan muhiim ah oo labada dhinacba halka Ethiopia ay ka biyo diiday iney raali gelin buuxda ka bixiso gafkii ay geysatay 1-dii Jenaayo ee Sanadkaan.

Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia waxaa la gudboon inuu iska casilo xilka uu Shacbiga Soomaaliyeed u hayo bacdamaa uu qiyaanay una difaaci kari waayay inuu Midnimada iyo wadajirka Dalka ay muqadas tahay.

352840cookie-checkSiyaasada Fashilka ee Hogaanka Villa Somalia & Heshiiska uu la Gaaray Ethiopia…

1 thought on “Siyaasada Fashilka ee Hogaanka Villa Somalia & Heshiiska uu la Gaaray Ethiopia…

  1. I ask Hasan & Ahmed, who has now they accepted access to the sea under Somalia’s sovereignty: Why did you waste an entire year, Abiy Ahmed? You already had this right a year ago. Why did you keep the world occupied with this issue for a whole year?

Comments are closed.