Ma Dhabaa in Argagixisada Shababka ay PM (Katyusha) Ku Weeraraan Caasimada..

Somalia news

Macluumad dheeraad ah ayaa laga helayaa Warbixin ay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay u gudbisay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM ee Somalia in kooxda Argagixisada Shabaabka ay kordhiyeen adeegsiga gantaallada 107mm, gaar ahaan Caasimada Muqdisho…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Saraakiisha Sirdoonka ee ku sugan Xarunta Xalane iyo kuwa Amaanka Somalia inta badan ku micneeyay duqeymaha Kooxda Argagixisada Shabaabka ee ka dhaca Muqdisho inay yihiin weerarada hoobiyaasha, inkastoo xogo loo qaateen ah ay xaqiijiyeen in Kooxda Mararka qaarkood ay adeegsadaan Qoriga PM-ka.

Dhawaaqa @CatrionaLaing1 ma sheegayo goorta kooxda Argagixisada Shabaabka ay bilaabeen iney adeegsadaan gantaalada Katyusha oo ay ku weeraraan xarunta Xalane iyo Degmooyinka Muqdisho, balse waxaa la rumeysan yahay in kooxdu ay gacanta ku dhigtay mid ka mid ah Qoriga PM-ka (107mm), 26-kii May kadib weerarkii Buulo Mareer, waxaana ay ku soo bandhigeen kooxda Shabaabka Bandhig hub ay qabsadeen kooxda weerarkii Ciidamadii Uganda ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

282910cookie-checkMa Dhabaa in Argagixisada Shababka ay PM (Katyusha) Ku Weeraraan Caasimada..