Sidee Deynta Daba Dheeratay Dalka Somalia loogu Yeeshay 5,4-Billions US$..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa sida deynta daba dheeraatay loogu yeeshay Dalka Somalia iyo Dalalka iyo Hey’adaha ku leh, iyadoo intii u dhaxeysay sanadihii 1980-90-kii ay qaadatay Maamulkii Siyaad Barre, waxaa la xaqiijiyay in 1970-kii ilaa lagu lahaa Dalka Deyn dhan 70-Millions US$…

Xogo ayaa xaqiijiyay in Deynta ay muddo deynta guud ee Dalka lagu lahaa ay dhameyd 1.6-Billions US$, muddo 40-sano, Khubarada dhaqaalaha ayaa aaminsan in Deyntaan ay timid koror dulsaar xad dhaaf ah oo wakhtigaasi dheer ku socotay, iyadoo Deyntaan Mashaariicdii lagu qaatay qaarkood raadkoodii la tirtiray si ku talo gal ah loona daba galin.

Dalalkee ku Lahaa Deynta Dalka Somalia

Dalka USA ayaa ugu badan sida la xaqijiyay inuu Somalia ku lahas 1-Billion US$ oo deyn ah, waxaa ku xigay Dalalka Russia, UK iyo France oo ku bahoobay “Paris Club”, waxaa kaloo jiray Deymo ay Dalalka Carabta iyo kuwa Islamka qaarkood ay ku lahaayeen kuwaasoo wada hadal dheet kadib cafiyay, Hadda waxwa ku taagan 600-Millions US$ oo deyn ah Dalka Somalia.

Khubarada Dhaqaalaha ayaa yaqiinsan in hadda Dalka uu u furnaayo Albaabka Malgashiga iyo Horumarinta, iyadoo xiriir toos la la yeelanaayo Hey’adaha Lacagta Aduunka, balse waxaa welwel ka taagan yahay sida loo wajahaayo loona mareynaayo xaalada xigta.

Dowladu qorsheysatay iney Deyn cusub qaadato taasoo ka badnaan doonta tii hore dulsaar ahaan lamana oga sida loo adeegsan doono, si kastaba! Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Somalia ma ka badbaadi doontaa deyn kale oo aan laga fiirsan oo Maamulka Demu jadiid Magaca Somalia ku soo qaataan.

293210cookie-checkSidee Deynta Daba Dheeratay Dalka Somalia loogu Yeeshay 5,4-Billions US$..